Naturvernforbundet tilmaamaha meelaha dabiiciga ah ee magaalada – Trondheim

Xataa haddii aad ku nooshahay magaalada, weli waxaad la kulmi kartaa waxyaabaha dabiiciga ah. Waxaa jira suuragal ahaansho badan maalinta loo baxayo kaynta, badda, ama harooyinka. Si buuxda waa u bilaasha iyo maada qoyska oo dhan! Waxaa jira tilmaamo aad badan xaga websaydka ee Ururka Dalxiisa Noorway, www.ut.no. Waxaad isticmaali kartaa khariidada halka si aad u hesho socodka iyo lugaynta aagaaga.

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.

TRONDHEIM

Nidelva

Sahami jowharada cagaaran ee Trondheim! Nidelva way qurux badan tahay muddada maalinta, laakiin waxay meeraysataa dhinaca webiga fiidka xagaaga waxay noqon kartaa waayo aragnimo cajiib ah. Halkan waxaad ku arki kartaa

Dhinaca webiga Nidelva waxaad la kulmi kartaa duur joog badan, gaa rahaan muddada xagaaga fiidadka degen. Tusaale ahaan waxaad bilaabi kartaa socodkaaga xaga biriishka Sluppenm,  oo u raac webiga dhanka magaalada, kaas oo  ah ilaa 3 kiloo mitir, Halkan waxaa ah shimbiro badan, amme, iyo xawayaabka biifarka laga yaaba. Meel u dhow kaniisada Ila waxaa jira caadi ahaan fiidmeero badan gudaha saacada hiimsa-hiimsaha ah.

Theisendammen/Bymarka

U qaad qoyskaaga deegaanka dabiiciga ah xagaagan! Theisendammen waa haro qurux badan oo ku taalla dhanka cidhifka Bymarka. Way ku wanaagsan tahay maalinta xagaaga ah ee lala socdo qoyska oo dhan. Halkan waxaad tegi kartaa dabaasha, socodka dhanka harada, ama sahami kaymaha. Laga yaabaa carruurta inay helaan ubaxa aanay weligood hore u arag, ama laga yaabaa inaad maqasho heesaha shimbiraha oo badan eek u nool halkaa?

Theisendammen waa haro yar gudaha Bymarka taas oo u wanaagsan maalinta qoysku baxo. Halkan waxaa jirta meel wanaagsan oo lagu dabaasho, oo waa ilaa 2 kiiloo mitir socod degen in la hareer socda harada. Theisendammen waxay ka damabysaa Xarunta wax iibsiga ee Byåsen. Haddii aad doonayso socod dheer, waxaa jira dhabooyin badan in dheeraad ah gudaha kaynta ah, tusaale ahaan ilaa Kobberdammen iyo Baklidammen.

Estenstadsmarka

Maaha inaad tagto si aad ula kulanto deegaanka dabiiciga ah! Gudaha Estenstadsmarka qoyska oo dhan waxa uu dabaalan laraa gudaha Estenstaddammen si ay u sahamiyaan kaymaha dhinaca dhabooyinka iyo jidka jayga ah. Laga yaabaa inaad nasiib yeelan doono oo aragto shimbirta madaxa jaalalaha ah, shimbirta ugu yar Noorway?

Estenstadmarka waa aaga kaynta quruxda badan ee ku dhow magaalada Trondheim, oo leh socod yo badan oo carruurta iyo dadka waa wayn ah. Waxaad u lugayn kartaa Estenstaddammen wixii dabaasha ah, ama makhaayada bunka Estenstadhytta taas oo ufuran dhammaadka todobaadyada.

Ka raac baska 5 ama 9 badhtanka magaalada ilaa Estenstadvegen,  oo raac Estenstadvegen dhanka  harada iyo makhaayada bunka.  Waxaa jira dhabooyin badan gudaha aaga, tusaale ahaan ilaa Styggdalen ama Lomtjønna, oo waxaad sahamin kartaa si badan sida aad jeceshahay.

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada

Weli waa la ogolyahay, dadkana waa lagu dhiirigelinayaa inay socod lug ah sameeyaan. Waxaad socod ku samayn kartaa banaanka ku yaala dhabarka dhismaha aad degantahay, beerta dadweynaha ee kuu dhow, duurka, buurta ama biyaha barbarkooda. In socod lagu soo maro dibeddu waxay u wacantahay jidhka iyo madaxaba, waxaanay qayb ka noqon kartaa yaraynta istereska. Si loo yareeyo faafinta fayrusta koroonada waxa muhiim ah in aynu taxadar samayno bixitaanka hortii.

Hay’adaha Agaasinka Bey’adda iyo Cimilada, Caafimaadka iyo ururada isticmaalka dabeecadda ayaa isutegay si ay kuu siyaan talooyin wadajir ah oo ku saabsan sidii loo samayn lahaa socod

lugeeg wacan oo amaan ah.

1. Lugee meelaha kuu dhow! Ka feker meelo cusub oo aad lugayn kartid oo aan dadka kale socon. Iska dhaaf isticmaalka gaadiidka dadweynaha ka dhexeeya haddii aad ka maarmi karto, isticmaal baaskiil ama lugee.

2. Qasab maaha inaad keligaa socotid – socod la samee qoyskaaga ama axsaabtada, laakiin kooxdiinu yaanay ka badan 5 qof.

3. Qaado cunto iyo cabitaan, oo ku nafis socodka. Xasuuso inaad gacmaha dhaqdid marka hore ama isticmaashid isbiirtada gacmaha.

4. Ilaali dabeecadda/bey’adda, waa wax aynu u baahannahay. Ixtiraam xayawaanka iyo dhirta iyo caleemaha, waxa aad tuuraysid (qashin) u qaado guriga.

5. Ka feejignow halista dabka ee iman karta! Meel badan oo ka mid ah waddanku waa qalayl waxaana ka madnuuc ah in dab lagu shito.

6. Isticmaal qariirad iyo diirad hagitaan marka aad aad soconayso wadiiqooyin ama jidad aan la calaamadin. Waxa iyana jira barmaamijyo moobayl (app) iyo baro internet oo kaa caawin kara jidka.

7. Goor hore dib u soo laabo, oo dooro hawlo aan lahayn halis badan.Qaabkaas waxaynu ku yarayn karnaa culayska ku imanaya adeegyada gargaarka iyo caafimaadka.

8. Qosol! Ka durug dadka kale, laakiin waad salaami kartaa oo u qosli kartaa markaykaa hor yimaadaan.

9. La soco waxyaalaha cusub ee ku soo biira talooyinka iyo xeerarka ka yimaada hay’adaha caafimaadka ee dawlada.

Dibedda u bax, oo ku nafis dabeecadda! Socod wacan iyo iistar wacan (påske)!

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.