Naturvernforbundet tilmaamaha meelaha dabiiciga ah ee magaalada – Bergen

Xataa haddii aad ku nooshahay magaalada, weli waxaad la kulmi kartaa waxyaabaha dabiiciga ah. Waxaa jira suuragal ahaansho badan maalinta loo baxayo kaynta, badda, ama harooyinka. Si buuxda waa u bilaasha iyo maada qoyska oo dhan! Waxaa jira tilmaamo aad badan xaga websaydka ee Ururka Dalxiisa Noorway, www.ut.no. Waxaad isticmaali kartaa khariidada halka si aad u hesho socodka iyo lugaynta aagaaga.

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.

BERGEN

Helleneset og Hellen festning

Safar ku qaado Helleneset xagaagan! Halkan qoyska oo dhan waxa uu xiisayn karaa badda dhinaceeda. Waxaad ku dabaalan kartaa ama sahamisaa nolosha berkadhaha dhagaxa ah. Aragtida wanaagsan, socod ku tag ilaa Qalcadda Hellen, ama xataa in dheer ilaa Ørneberget.

Helleneset waa meel u wanaagsan si loogu qaato maalinta xagaaga wanaagsan. Waxaa jirta xeebta, dhagaxaanta iyo wakhtiyada qaarkood berkada bidabada ah. Waxaa sidoo kale jiro gidaarka fuulida. Sidoo kale waa socod gaaban laga bilaabo Qalcada Hellen, halka ay jirto muuqaal qani ah. Waxaa jira dhaboon wanaagsan ilaa xaga sare oo dhan. Laga bilaabo halkan waxaad socon kartaa xataa in dheeraad ah, tusaale ahaan ilaa Ørneberget, Sølvberget and Garpetjernet, iyo markaa ilaa baska xaga NHH (Dugsiga Noorway e Dhaqaalaha).

Lyderhorn

Ma doonaysaa inaad ubaxdo meelaha dibada magaalaada ka ah xagaaga? Socod ku mar ilaa Lyderhorn, hal ka mid ah todoba buurood! Lyderhorn waa socod fudud kaas oo ku habboon qoyska oo dhan. Soo qaado qadaddaada oo xiisee aragtida xaga sare.

Lyderhorn waa mid ka mid ah todobada buurood ee Bergen. Xaga sare waa aragti cajiib ah guudka magaalada iyo aagaga ku xeeran. Waxaa jirta mid ka mid ah socodka taaga sare, laakiin way fududahay markaas xataa carruurta waxay gaadhi karaan xaga sare. Waa ilaa 3 km hal jid (6 km wadarta) Waxaad tusaale ahaan ka bilaabi kartaa Skålevik, oo raac dhabada boodhka calaamada ah leh. Jidka iska gudba ee u horeeya waxaad qaadaa midigta, oo ka dib raac dhabada dhanka xaga sare ee  Lyderhorn.

Langegården og Løvstakken

Sahami muuqaalka dabiiciga ee dibada ka ah magaalada Bergen! Keen qoyskaaga Løvstien, dhabada caanka ee leh muuqaalada muhiimka ah iyo dabeecada quruxda badan. Xataa carrurut augu yar  ayaa ku biiri karta, maadaama a jiran jidad jay ah oo degen oo ku habboon baabuurka ilmaha lagu riixo. Xubnaha qoyska oo dheeraad ah, waxaa jira  dhabooyinka ilaa Løvstakken.

Løvstien waa meel ku wanaagsan maalin lala baxo qoyska. Dhabadu waxay ka bilaabantaa Melkeplassen gudaha waqooyiga, dhinaca taraamku joogsado xaga Danmarksplass. Waxaa jirta calaamad ilaa Løvstien laga bilaabo Løvstakkveien. Dhabadu waa ilaa 7km dhererkeedu. Carruurta yaryar waxaad ka bilaabi kartaa dhammaadka labbaad xaga Langegården kaas oo  ahbeerta qofka

booqda ah ee xawayaanka beerta. Waxaa jira dhowr dhabo ilaa Løvstakken haddii aad jeceshay inaad in dheeraad ah socota.

Skomakerdiket

Ma jeclaan lajayd inaad qoyskaaga u qaado dibada deegaanka dabiiciga ah? Socod ku tag ilaa Skomakerdiket oo ka qadee xaga hoyga halkan! Xaga sare ee halkaas waxaa jira aragtiyo wayn. Laga yaabaa inaad aragto  tukaha madow ama shimbirta yar?

Skomakerdiketwaa meesha wanaagsan ee loo socda  ee qoyska oo dhan Waxaa jirta muuqaalo magaalada oo dhan iyo guudka Svartediket,oo waxaa jira hoyga leh meesha dabka lagu shito marka aad halkaas gaadho. Waa ilaa 2 kiiloo mitir jid kasta, oo ku habboon carruurta iyo dadka waa wayn.

Baska u raac ilaa tarefossveien oo u soco bari dhanka Knattenveien. Raac dhabada sare ilaa halkaa. Raac harada ku xeeran midigta ilaa aad gaadho hoyga.

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada

Weli waa la ogolyahay, dadkana waa lagu dhiirigelinayaa inay socod lug ah sameeyaan. Waxaad socod ku samayn kartaa banaanka ku yaala dhabarka dhismaha aad degantahay, beerta dadweynaha ee kuu dhow, duurka, buurta ama biyaha barbarkooda. In socod lagu soo maro dibeddu waxay u wacantahay jidhka iyo madaxaba, waxaanay qayb ka noqon kartaa yaraynta istereska. Si loo yareeyo faafinta fayrusta koroonada waxa muhiim ah in aynu taxadar samayno bixitaanka hortii.

Hay’adaha Agaasinka Bey’adda iyo Cimilada, Caafimaadka iyo ururada isticmaalka dabeecadda ayaa isutegay si ay kuu siyaan talooyin wadajir ah oo ku saabsan sidii loo samayn lahaa socod

lugeeg wacan oo amaan ah.

1. Lugee meelaha kuu dhow! Ka feker meelo cusub oo aad lugayn kartid oo aan dadka kale socon. Iska dhaaf isticmaalka gaadiidka dadweynaha ka dhexeeya haddii aad ka maarmi karto, isticmaal baaskiil ama lugee.

2. Qasab maaha inaad keligaa socotid – socod la samee qoyskaaga ama axsaabtada, laakiin kooxdiinu yaanay ka badan 5 qof.

3. Qaado cunto iyo cabitaan, oo ku nafis socodka. Xasuuso inaad gacmaha dhaqdid marka hore ama isticmaashid isbiirtada gacmaha.

4. Ilaali dabeecadda/bey’adda, waa wax aynu u baahannahay. Ixtiraam xayawaanka iyo dhirta iyo caleemaha, waxa aad tuuraysid (qashin) u qaado guriga.

5. Ka feejignow halista dabka ee iman karta! Meel badan oo ka mid ah waddanku waa qalayl waxaana ka madnuuc ah in dab lagu shito.

6. Isticmaal qariirad iyo diirad hagitaan marka aad aad soconayso wadiiqooyin ama jidad aan la calaamadin. Waxa iyana jira barmaamijyo moobayl (app) iyo baro internet oo kaa caawin kara jidka.

7. Goor hore dib u soo laabo, oo dooro hawlo aan lahayn halis badan.Qaabkaas waxaynu ku yarayn karnaa culayska ku imanaya adeegyada gargaarka iyo caafimaadka.

8. Qosol! Ka durug dadka kale, laakiin waad salaami kartaa oo u qosli kartaa markaykaa hor yimaadaan.

9. La soco waxyaalaha cusub ee ku soo biira talooyinka iyo xeerarka ka yimaada hay’adaha caafimaadka ee dawlada.

Dibedda u bax, oo ku nafis dabeecadda! Socod wacan iyo iistar wacan (påske)!

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.