Naturvernforbundet tilmaamaha meelaha dabiiciga ah ee magaalada – Oslo

Xataa haddii aad ku nooshahay magaalada, weli waxaad la kulmi kartaa waxyaabaha dabiiciga ah. Waxaa jira suuragal ahaansho badan maalinta loo baxayo kaynta, badda, ama harooyinka. Si buuxda waa u bilaasha iyo maada qoyska oo dhan! Waxaa jira tilmaamo aad badan xaga websaydka ee Ururka Dalxiisa Noorway, www.ut.no. Waxaad isticmaali kartaa khariidada halka si aad u hesho socodka iyo lugaynta aagaaga.

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.

OSLO

Dronningberget / Hengsåsen

Sahami kaydaka goobta dabeecada xaga Bygdøy! Raacida baska gaaban eek a imanaysa Jernbanetorget ilaa Dronningberget, leh dhir dhif ah iyo funjigada, iyo kaynta quruxda badan ee  Hengsåsen. Tani waa meel cajiib u ah qoyska oo dhan si wada jir kaynta loogu sahamiyo. Wax ka yar fog Paradisbukta, taas oo ah dabaashada buuxda!

Bygdøy waxay caan ku tahay Carwaa Reerka iyo Carwada markabka Viking, laakiin Bygdøy sidoo kale waxay qarisaa labbaa goobood oo  kaydka dabiiciga ah ee quruxda badan – aagaga  dabiiciga ah ee ay dowladdu ilaaliso. Kuwan waa Dronningberget, oo leh dhirta dhifta ah ee badan iyo funji, iyo Hengsåsen, oo leh dhulka kaynta aadka u quruxda badan ee da’da wayn. Halkani waa meel aad ugu wacan socodka dhammaadka todobaadka, ama waxaad la sahamin kartaa dhulka kaynta ah carruurta.

Raac baska 30 ilaa Karenslyst allé, oo u soco dhanka Bygdøy dherarka Dronning Blancas vei. Xaga jidka iska guba ee wata Wedels vei, u soco kor ilaa midig, dherarka dhabada ila akaynta. Hadda waxaad galaysaa goobta kaydka dabiiciga ah! Raac dhabada iyo jidadka ku hareeaysan goobta kaydka deegaaneed, tusaale ahaan ilaa midigta Seterhytta.

Waxaad markaa ka bixi kartaa goobta kaydka ee dhinaca ku lidka ah, oo raac Bygdøyveien waqooyiga iyo hareeraha ilaa bidixda  Hengsengveien. Laga bilaabo hakaa waxaa jira dhabada ilaa midigta, gelaysa Goobta kaydka dabiiciga ah ee  Hengsåsen. Halkan waxaad raaci kartaa dhabada koonfureed, oo waxaad sii socon kartaa ilaa Paradisbukta iyo Huk. Laga bilaabo Huk, basku waxa uu dib ugu noqonaya amagaalada. Socodka oo dhan waa ilaa 5 kiilo mitir.

Xataa bixida maalinta ee fudud, waxaad  raacdaa baska 30 toos addoo ugu baxahaya Huk, oo xiisee xeebaha iyo dhulka kaynta ah halkan.

Ekeberg

Hel daqiiqada nabada gudaha kaynta  xaga Ekeberg! Beerta deegaaneed ee Ekeberg waxay u dhowdahay magaalada Oslo oo waxay leedahay dhul kaymo ah, aragti cajiib ah iyo falka lagu rakibay, oo si buuxda u bilaash ah. Meesha dhow waa goobaha dabiiciga ah ee kaydka ah ee Oslo, iyo dhowr garoomada kubbada oo wanaagsan.

Beerta deegaaneed ee Ekeberg, ama Ekebergparken, waa beer deegaaneed oo caadi ah oo leh dhul kayn ah, aragto cajiib ah guudka magaalada, iyo rakibida fanka. Keliya waa taraam yar ama bas ka riicada badhtanka magaalada, Beerta lagu nasto ee u dhow Ekebergskråningen kaydka dabeecada, leh noocyo dhir ah iyo jooyoolaji gooni ah. Xaga Ekebergsletta, waxaa jira garoomada ciyaarta iyo meelo badan si loogu ciyaaro kubbada cagta iyo ciyaaraha kale.

Socodka wanaagsan waxa uu noqon karaa dhexda goobta kaydka dabiiciga iyo dhexda Ekebergparken. Raac taraamka 18 ilaa 19 ilaa Sportsplassen. Ka gudub jidka oo hoos u tah addoo dhaafaya  Dugsiga barbaarinta Kongsveien, oo raac dhabooyinka middigta dhanka badhtanka magaalada. Waxaa jira dhabooyin badan oo ku yaala mgoobta kaydka dabeecada, raac hal ka mid ah ilaa aad gaadho Sjømannskolen (dhismaha wayn ee afar geesta ah). Laga bilaabo halkaa waxaad ka gudbi kartaa Kongsveien oogalaysaa  Ekebergparken. Halkan tusaale ahaan dhaaf makhaayada Ekeberg ilaa Kjærlighetsstien (dhabada jacaylka) oo raac tan hoos ilaa Gamlebyen iyo magaalda. Socodku waa ilaa 3 kiiloo mitir wadar ahaan.

Stovner

Ma rabtaa inaad la sahamiso waxyaabaha dabiiciga ah ee Oslo qoyskaaga? Tag Stovner! Halkan waxaad xiisayn kartaa aragtida Taalada Stovner, waxaad socon kartaa dhexda kaynta dhanka dhabada dhaqameed ee Trondheim, ama waxaad ka qadayn kartaa mid ka mid ah hoyga kaynta.

Taallada Stovner waa taalada  Norwayugu  dheer, leh nashqad gooni ah iuo aragtiyo qurax badan.Booqashada  goobtan soo jiidanaysa dalxiisaha si wayn ayaa loogu taliyey! Ka eeg macluumaad badan xaga http://stovnertarnet.no/home.

Intaa ka dib waxaad sahamin kartaa aaga ku xeeran Stovner. Kaynta ilaa bariga way wanaagsan tahay hal maalin oo lala baxo qoyska, ama socodka  aadka loo rabo. U soco bariga dhanka taallada, ka dambaysa dhismaha, oo hel dhabada jayga ah ee ballaadhan ilaa kaymaha. Waxaa jira calaamada badan dhererka dhabada halkan, markaas ma lumi doontid.

Socod caan ah oo aagan ah waa dhabada kun sano jirka ah Oldtidsveien, ama dhabada St. Olav, taas oo ah dhabada xajka ee ka timid Oslo ilaa Trondheim. Waxay dhex martaa kaynta  Stovner, oo leh dhowr shay oo gaboobay sida taallada jeliska. Dhabadu waxay ka bilaabantaa ilaa 500 oo mitir meel u jirta tallada Stovner. Raac dhabada jayga ah ee ka dambaysa dhismaha, oo qaad bixid ka dib 100 mitir, Ka dib ilaa 200 mitir, dhabada xajka waxay calaamad boodh ku leedahay midigta.

Waxaad tusaale ahaan raaci kartaa dhabada ilaa Lahaugmoen, iyo ka dib mar mida dhaqaneed Trondhiemske Kongevei (dhabada kale ee gabowday) dib ilaa Stovner, ama waxaad sii wadi kartaa dhabada xajka ilaa Hellerud halka 380 nas ay dib ugu noqdaan Oslo.

Doorashooyinka hore waa in loo socdo waqooyi  dhabada jayga degen, taas oo dhex marta kaynta. Ka dib ilaa saacad waxaad jaleeci kartaa  Tokerudtjern, taas oo berkad wanaagsan u ah dhirta iyo duur joogta. Waxaa loo dayray ilaalinteeda, laakiin laga yaabaa inaad arki doonto shimbiraha ama hal ka mid ah dhirta noocyada halista ku jirta ee ku nool halkaas. Laga bilaabo Tokerudtjern inay jirto socod gaaban ilaa istaanka metrooga Vesti, ama  halka basku istaaga xaga Tokerudbekken

Waxaa jira hawlo badan oo kale aagan. Tusaale, waxaa jira labba hoy oo yar gudaha kaynta, sida guryaha looxaanta ah ee yaryar ee ka furan hal dhinac. Waxay qabaan aragtiyo badan  oo waa goobaha loo safro oo buuxe eek a sahaminta kaynta ee qoyska. Waxaad ka heli kartaa goobta saxda ah Google (raadinta «gapahuken Gubbero» or «gapahuken Kjerringfred»).

Røverkollen/Lillomarka

Sahami Goobta Kaydka Dabiiciga ah ee  Røverkollen xaga  Romsås! Aagan waxaa ilaaliya dowladda si ay u dhowrto dhirta iyo xawayaanka iyo kaynta halkan. Xaga sare ee taaga waxaa jira aragtiyo cajiib ah, oo waxaa jira meelo badan oo wanaagsan oo la xiisaynayo  xuntada la cabbystay. Waxaa dhici karta inaad aragto deero, ama beeraha tufaaxa  ee quruxda badan ee ka baxa halkan?

Røverkollen waa goobta kaydka dabeecada (aaga la ilaaliyo) oo leh aragtida taalada iyo kaynta gabowday ee quruxda  badan, oo leh  beeraha tufaxa iyo xabaalaha dhagaxa ee waayadii Birta maarta. Juun 2018, goobta kaydka way ballaadhanaysay ka dib halkan ay sameeyeen dadka u dhaqdhaqaaqa kaymaha dhowridooda, oo hadda waxaa laga ilaaliyaa geedka dhacaya iyo ka faa’iidaysiga.

Raac metrooga ilaa Romsås iyo baska 63 ilaa Røverkollen (ama soco 1.5 km laga bilaabo Romsås). Dhinaca waqooyo ee Sverre Iversens vei (ilaa 300 m waqooyi bari dhanka kaniisada) waxaa jirta jidka jayga ah ilaa dhanka  Røverkollen. Waxaad raaci kartaa jidka jidka oo dhan, ama waxaad sahamin kartaa dhabooyinka kaynta ku yaala aaga. Ilaa inta aad u sii socota taaga sare waxaad ku taagnaan doontaa jidka saxda aha dhanl xaga sare. Wax yar ka dib waxaad heli doontaa tallada Romsås, taas oo ah taallo keliya wixii ah wada xidhiidhka, iyo aragtida yar taalada ka dambaysa, kaas oo aad  fulli karto aragti wayn.

Kuwa doonaya muqaamaro socod oo badan, waxaad u kici kartaa hoos taaga ilaa kaynta dhanka Steinbruvann. Waxaa jira dhabooyin badan,  laakiin waxay ka gudbaan muuqaalka dhulka jihooyinka badan, markaas waxay noqon kartaa mid abaal marin leh si aa du soo hesho jidkaaga dhexda dhulka  kala sareeya. Laga yaabaa inaad heli doonto dhul aan dhir lahayn oo ay ku dhex yaalaan beeraha tufaaxa  qurux badan, ubaxa cad ee ka baxa halkan? Haddii aadu baahan ntahay galbeedka waxaad kama dambaysta gaadhaysaa ilaa Steinbruvann, taas oo ku habboon dabaasha. Laga bilaabo halkan ilaa istaanka metrooga Grorud (ilaa 20 daqiiqo foga).

Laga bilaabo Røverkollen iyo Steinbruvann waxaa jira dhabooyin badan iyo jidad meel fog oo kaynta ah (Lillomarka). Lillomarka waa sidoo kale gooba kaydka dabeecada. Waxaad tusaale ahaan u lugayn kartaa Lilloseter,  ama dhammaan ilaa jidka Maridalen ama Langsetløkka.

Steinbruvann

Ma jeclaan lahayd inaad dabaal tagto, ama xiisayso aragtida harada dhinaceeda marka carruurtu ay ku ciyaarayso gudaha kaynta? Booqo harooyinka ku xeeran Oslo! Steinbruvann oo u dhow Grorud waa meesha ku habboon nefiska galabnimada gudaha qoraxda. Waxaa jira dhabooyin badan iyo jidad ku geeya meel sii fog ila akaynta gudaha  Lillomarka.

Steinbruvann waa haro qurux badan halka qoyska oo dhan uu xiisayn karo biyaha oo dhan iyo kaynta. Waa dabaal wanaagsan iyo tamashle, iyo kaynta ku xeeran harada waxay ku wanaagsan tahay carruurta si ay ugu ciyaaraan dhuumaalaysi. Inta u dhaxaysa meesha baabuurta la dhigto iyo harada waxaa jira xataa berkad yar taas oo u wanaagsan carruurta yaryar si ay ugu ciyaaraan biyaha.

Waxaa jira doorashooyin bada in socod lagu tago aaga, tusaale ahaan ilaa Lilloseter ama Røverkollen.

Waxay qaadataa ilaa 20 daqiiqo in loo socdo halkan laga bilaabo istaanka metrooga Grorud.

Øyungen

Sahmi kaynt aku xeeran Oslo! Øyungen waa  goob la tago oo aad ugu qurux badan qoyska oo dhan. U raac baska Maridalen oo u lugeed webiga Skar si aad u hesho harada quruxda badan, halka ay jiraan labba goobood oo dab lagu shito. Ama waxa ku saabsan socodka dheer ilaa kaynta, ilaa biriishka xadhiga ah xaga Bjørnsjøhelvete?

Øyungen waa goobta loo safro ee wanaagsan lafteeda, ama waxay noqon kartaa meesha bilowga ee socodka lugta ah ee dheer. U raac baska Skar, oo raac jidka jayga ah ee dhinaca bidix ee meesha baabuurka la dhigto (haddii aad ka jeesato magaalada. Jidku waxa uu raacaa webiga Ska, taas oo leh dhir qani ah iyo xawayaan. Laga yaabaa inaad arkayso shimbirtta dhiberka, shimbirta qaranka Norway? Waxaa jirta jidka jayga ah dhammaan jidka harada taga, markaas waxaad qaadan kartaa baabuurka lagu riixo carruurta yaryar.

Marka aad timaado Øyungen waxaa jira goob dadka lagu shito oo la oggolaaday dhagaxa yar ee soo muuqda bidixda dhaamka, koonada ilaa midigta dhaamka (ka eeg goobta la oggolaaday halka: https://www.oslo.kommune.no/brannvern-ildsted-og-feiing/bal-og-grill/). Tan macnaheedu waxa weeye waxaad ku lahaan kartaa dab halkaas gudaha xagaaga, marka daarida dabka guud ahaan aan la oggolayn  deegaanka dabiiciga ah. Markaad guriga ku sii jeedo, waxaad qaadi kartaa dhabada dhinaca kale ee webiga dib ilaa Skar.

Waxaa jira dhabooyin badan ilaa kaynta ka yimaada Øyungen. Si wanaagsan ayay calaamado boodhadh ah u leedahay, doorashooyin badan. Tusaale ahaan waxaad socod ku mari kartaa makhaayada bunka ku taala Bjørnholt, ama biriishka xadhiga ah ee xiisaha leh xaga Bjørnsjøhelvete (macnaheedu yahay “madax kuti haro cadaab”!). Biriishka xidhiga waa ilaa 7 kiiloo mitir meel u jirta Skar. Waa socod yara dhere, laakiin  waa suuragal in lagu gaadho baaskiil, laga bilaabo Hammeren gudaha Maridalen.

Nøklevann

Ma doonaysaa inaad u baxdo deegaanka dibada dabiiciga ah xagaagan? U tag Nøklevann dabaal ama safarka huudhiga! Haradan quruxda badan ee u dhow Bøler aad ayay ugu wanaagsan tahay dabaasha, waxay leedahay makhaayada bunka loogu yeedho Rustadsaga, oo waxaad kiraysan kartaa huudhiga, doon ama looxa la seebin karo biyaha dhexdeeda. Sidoo kale waa meesha bilowga ugu wanaagsan ee socodka lagu maro gudaha kaynta Østmarka.

Nøklevann waa meesha wanaagsan ee dabaasha gudaha xagaaga, iyo meesha ugu wanaagsan ee laga bilaabo socodka gudaha kaynta. Metrooga u raac Bogerud ama Bøler oo soco ilaa 20 daqiiqo si aad u gaadho Nøklevann. Makhaayada bunka Rustadsaga waxay ku taalaa koonaha harada ugu dhow Bogerud, iyo dhowr boqol oo mitir meel ka fog Rustadsaga goobta dabaasha aadka loo gaadhi karo.

Dhinaca Rustadsaga waa Nøklevann Ro- og Padleklubb (Nøklevann Seebinta Huudhiga iyo Naadiga Seebinta), oo si aad ah loogula talinayo qof kasta oo xiiseeya meelaha dibada magaalada ka ah. Halkaa waxaadka amaanaysan kartaa huudhuyo, kayaaga, doonyaha la seebiyo ama looxa la seebiyo. Qaadashada jidka hordhaca ah (300 kr) iyo xubin ka noqoshada (100 kr carruurta, 275 dadka waa wayn) waxaad amaanaysan kartaa qalab badan sida aad jeceshahay dhammaan xagaaga.

Sababteen loo qaadanayn huudhiga safarka habeenka gudahiisa ah? Ku raro taandhooyin iyo kiishashka lagu soo seexdo, oo seebi ilaa aad ka hesho meel kaam ah oo ku habboon. Xusuuso waxa kaneecada la iskaga celiyo, oo dhammaan qashinka dibada u qaad!

Haddii aad u baxayso socod, waxaad ku haystaa dhammaan Østmarka hortaaga. Tusaale ahaan waxaad ka bilaabi kartaa xaga Nøklevann, ku soo wareega dhinaca koonfurta ee harada, oo u raac Trolldalen koonfur (raac calaamadaha dhanka Østmarkskapellet), markaa ku wareegid Skullerudåsen dib ilaa Skullerudstua, halka uu jiro makhaayada wanaagsan. Safarkaygu waa ilaa 6 km.

Mærradalen

Sahami jowharada cagaaran ee Oslo! Mærradalen waa dooxo yar oo meel go’doona ku taala oo u dhaxaysa Røa iyo Ullern, halka ililadu ka soo qulqusho dhexda kaynta quruxda badan iyo dhirta dhifta ah. Qoyska oo dhan waxa uu xiisayn karaa socodka dhinaca ililada, keliya 15 daqiiqo oo metrooga uu kaga imanayo badhtanka magaalada. Laga yaabaa inaad aragto shimbir, sida baaska ama dhowdhowlaha?

Mærradalen waa dooxo ku taala dhinaca galbeed ee Oslo, halka uu jiro kaynta gabowday iyo ililada quruxda badan ee dhex maraysa iyada. Waa meesha wanaagsan ee socodka yare e gaaban gudaha deegaanka dabiiciga ah.

U raac metrooga ilaa Hovseter oo raac Stasjonsveien ilaa 300 m galbeedka ilaa Mærradalen. Raac jidka jayga ah ila abidixda. Dhabadu waxay ku qulqushaa ililada ilaa 2.5 km (socod ilaa nusa saaca ah), leh suuragal ahaansho badan si loo arko noocyada dhifka ah ee ubaxyada iyo shimbiraha. Raac ililada ilaa aad gaadho Radiumhospitalet/Ring 3, halka baska 23 uu dib ugu soo noqdo istaanka metrooga Smestad.

Meel dhow sidoo kale waxaa ah Lysakerelva ( Webiga Lysaker), halka ay jirto dhaba wanaagsan oo la maraa. Lysakerelva iyo Mærradalen waxaa la isku dari karaa socodka dheer, tusaale laga bilaabo Jar ilaa Røa dhinaca Lysakerelva, iyo markaas Røa ilaa Ullern/Radiumhospitalet dhinaca Mærradalen.

Svartdalen

Ma garanaysaa in ay jiraan biriishyada xadhiga ah iyo kaymaha sheeka baralayda gudaha badhtanka Oslo? U raac metrooga ilaa Brynseng oo mar dhererka Svartdalen, halka dhabada ay kaga gudubto webiga Alna ee biriishyada xiisaha lahe oo mara dhexda kaydka gabowday. Ka dib socod gaaban waxaad gaadhaysaa xaga Svartdalsparken, beerta cagaaran ee nabada badan.

Svartdalen waa dooxada qarsoon gudaha qaybta bariga Oslo, ku wanaagsan tamashalaha gaaban dherarka webiga Alna. Dhabadu waxay dhex martaa kaynta da’da way nee quruxda badan iyo ka gudubka biriishyada xadhiga ah, iyo ka dib ilaa 15-20 daqiiqadood waxaad ku dambaysansaa beerta lagu nasto ee seerayaasha dooga.

Raac metrooga ilaa Brynseng oo u soco dhanka koonfur (sax haddii aaad ka jeesato magaalada), ee hareerta dhismaha (Statens Vegvesen). Halkaa waxaad ka heli kartaa dhabada dhanka Svartdalen, ee ku socoda dhanka badhtanka magaalada. Raac dhabada dhinac marta webiga ilaa aad gaadho Svartdalsparken.

Si aad  guriga u gaadho waxaad ka raaci kartaa baska Kværner/Kværnerbyen or Vålerenga/Galgeberg, ama waxaad socod ku mari kartaa addo maraya Galgeberg/Grønland ilaa badhtanka magaalada (ilaa 30 daqiiqadood).

Waxaad sidoo kale bilaabaysaa socodka meel fog oo webiga ah, dhinaca Alnabru (Haugerud istaanka metrooga), oo raac dhabada ag marta Alnaelva ka halkaas.

Ljanselva

Socod ku mar dhanka hal webiyada quruxda badan ee magaalada! Ljanselva waxay martaa laga bilaabo Lutvann ilaa Fiskevollbukta, dhexda kaymaha cagaaran ee ay ka buuxaan xawayaanka duur joogta. Qoyska oo dhan waxay raaci karaan dherarka webiga oo dhan ama qayb, dhanka dhabooyinka quruxda badan iyo jidadka jayga ah. Markaad timaado xaga shalowga dheer ee gala bada waa wakhtiga ugu wanaagsan in la tago bada xaga Hvervenbukta!

Ljanselva, webiga Ljan, waxa uu maraa laga bilaabo Lutvann gudaha waqooyi bari ilaa  Fiskevollbukta koonfur galbeed, oo waxaad raaci kartaa webiga dhabooyinka dhinac mara iyo jidadka jayga ah dhexda kaymaha quruxada badan.

Socodka oo dhan laga bilaabo Lutvann to Skullerud iyo Fiskevollbukta/Hvervenbukta waxa uu qaataa ilaa afar saac in la socdo, laakiin way fududahay in la sameeyo qaybo ka mid ah socodka. Tusaale ahaan, waxaad raaci kartaa baska ilaa Ingiers vei ama tareenka ilaa Hauketo, oo waxaad ka socon kartaa halkaa ilaa shalowga dheer ee gala bada, ee qaata ilaa nusa saace ama hal saac. Waxaa jira boodhadhka calaamadaha ah.

Markaad timaada xaga at Fiskevollbukta iyo Hvervenbukta way wanaagsan tahay in dabaal loo tago. Sidoo kale waxaa jira meelowanaagsan inaad dabaalato xaga Lutvann iyo Nøklevann. Laga bilaabo Fiskevollbukta/Hvervenbukta waxaa jira basaska dib ugu noqonaya Oslo, tusaale ahaan baska 89 ee ka imanaya Hvervenbukta.

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada

Weli waa la ogolyahay, dadkana waa lagu dhiirigelinayaa inay socod lug ah sameeyaan. Waxaad socod ku samayn kartaa banaanka ku yaala dhabarka dhismaha aad degantahay, beerta dadweynaha ee kuu dhow, duurka, buurta ama biyaha barbarkooda. In socod lagu soo maro dibeddu waxay u wacantahay jidhka iyo madaxaba, waxaanay qayb ka noqon kartaa yaraynta istereska. Si loo yareeyo faafinta fayrusta koroonada waxa muhiim ah in aynu taxadar samayno bixitaanka hortii.

Hay’adaha Agaasinka Bey’adda iyo Cimilada, Caafimaadka iyo ururada isticmaalka dabeecadda ayaa isutegay si ay kuu siyaan talooyin wadajir ah oo ku saabsan sidii loo samayn lahaa socod

lugeeg wacan oo amaan ah.

1. Lugee meelaha kuu dhow! Ka feker meelo cusub oo aad lugayn kartid oo aan dadka kale socon. Iska dhaaf isticmaalka gaadiidka dadweynaha ka dhexeeya haddii aad ka maarmi karto, isticmaal baaskiil ama lugee.

2. Qasab maaha inaad keligaa socotid – socod la samee qoyskaaga ama axsaabtada, laakiin kooxdiinu yaanay ka badan 5 qof.

3. Qaado cunto iyo cabitaan, oo ku nafis socodka. Xasuuso inaad gacmaha dhaqdid marka hore ama isticmaashid isbiirtada gacmaha.

4. Ilaali dabeecadda/bey’adda, waa wax aynu u baahannahay. Ixtiraam xayawaanka iyo dhirta iyo caleemaha, waxa aad tuuraysid (qashin) u qaado guriga.

5. Ka feejignow halista dabka ee iman karta! Meel badan oo ka mid ah waddanku waa qalayl waxaana ka madnuuc ah in dab lagu shito.

6. Isticmaal qariirad iyo diirad hagitaan marka aad aad soconayso wadiiqooyin ama jidad aan la calaamadin. Waxa iyana jira barmaamijyo moobayl (app) iyo baro internet oo kaa caawin kara jidka.

7. Goor hore dib u soo laabo, oo dooro hawlo aan lahayn halis badan.Qaabkaas waxaynu ku yarayn karnaa culayska ku imanaya adeegyada gargaarka iyo caafimaadka.

8. Qosol! Ka durug dadka kale, laakiin waad salaami kartaa oo u qosli kartaa markaykaa hor yimaadaan.

9. La soco waxyaalaha cusub ee ku soo biira talooyinka iyo xeerarka ka yimaada hay’adaha caafimaadka ee dawlada.

Dibedda u bax, oo ku nafis dabeecadda! Socod wacan iyo iistar wacan (påske)!

Wasaqdaada la aad guriga!

Waa muhiim aad raaxaysato markaad meelaha dabiiciga ah ee banaanka joogto, laakiin si taas lamid ah ayay muhiim u tahay inaad dhammaan wasaqda bacaha iyo qashinka kula laabato gurigaaga marka socdaalkaagu dhamaado. Waxyaabaha balaastiga ah uma roona bii’ada. Sidaas awgeed mar kasta horay usoo qaado bac dheeraad ah si aad ugu qaado wasaqda iyo bacaha aad guriga kula laabanayso. Haddii aad balaastig badan banaanka ku aragto, aruuri. Xasuusnoow inaad xirato galoofisyo haddii aad qaadayso kadib markii qof kale tuuray, mar kastana xasuusnoow inaad si fiican u farxalato.