Nagusoo biir

Naturvernforbundet waa urur xubin laga noqdo. Tani waxay ka dhigan tahay inaan ka koobanahay kumanaan qof dhammaan Norway. Maadaama aan lenahay xubno aad u badan, waxaan nahay urur xoog badan, waxaana badbaadin karnaa dabiicad badan. Sidaas awgeed, waxaan doonaynaa in dad badan nagusoo biiraan.

Xubin ka noqo ururka

Xubin ayaad ka noqon karta adoon waxba samayn, ama waxaad ku biiri kartaa mid kamid ah kooxaheena Facebook ga ama waxaad iska qori kartaa mid kamid ah waraaqaheena wararka. Waxaa sidoo kale jira fursado aad u badan ood xubin firfircoon uga noqon karto ururkeena aadna ugu dagaalami karto mabda’ aad aaminsan tahay.
Dhammaan xubnuhu waxay qayb ka yihiin koox maxali ah (“lokallag”). Koox kasta waxay dortasan gudi iyo hogaamiye kooxda hogaaya. Waxaa loogu yeeraa “tillitsvalgte”. Gudigu waxay go’aanshaan sida Naturvernforbundet loo maamulaayo iyo qadiyada ay tahay inaan ka shaqayno. Waa hanaan dimuqraadi ah, marka qof kasta cod ayuu leeyahay. Haddii aad kiis gaar ah ka walaacsan tahay, sida badbaadinta aaga dabiicada ee aad ku nooshahay, waxaad naga heli kartaa caawimaad si aan aan kaagala shaqayno kiiska, waxaadna nagu cadaadin kartaa inaan ka shaqayno mawduucyo badan ood u aragto muhiim. Waxaad sidoo kale naga caawin kartaa inaan ka shaqayno mawduucyada heer qaran ama heer caalami sida isbadalka cimilada.
Haddaan nahay Naturvernforbundet waxaan aaminsan nahay in kala duwanaanta dadku ay muhiim tahay, waxaana isku dayaynaa inaan dad dheeraad ah helno iyo tillitsvalgte qaarkood soo galooti yihiin, oo ka kala socda dhaqano kaladuwan lehna fikrado kaladuwan oo ku aadan nolosha. Waxaan u baahanahy codad badan oo kaladuwan, waayo fikradaha kaladuwan iyo khibradaha kaladuwan waa muhiim. Sidoo kale waa wax baashaal iyo raaxo leh inaad ku birto urur aadna la kullanto dad cusub. Sidaas awgeed, waxaan doonaynaa inaad dhammantiin xubno firfircoon ka noqotaan Naturvernforbundet! Muhiim maaha inaad horay urur uga mid ahaan jirtay iyo in kale, ama haddii aadan aqoon wax aad samayso. Anaga ayaa ku caawinayna inaad taas fahanto. Waad nalasoo xariir kartaa!

Norsk Friluftsliv waxay wax badan ka qortay isku jirka iyo kaladuwanaanta dadka ee nolosha banaanka ee la nidaamshay. Xog badan halkaan ka akhri: