Baro dabiicada – Somali

Wadanka Norway, waa amaan waana lacag la’aan inaad aado meelaha dabiiciga ah. Waa qaab cajiib ah ood ku baranayso meelaha aad dagan tahay, waxayna u roon tahay caafimaadkaaga inaad banaanka u baxdo.

Si aad xog badan oga akhrido dabiicada iyo caafimaadka, halkaan guji:

Sida loo aado banaanka

– Tiro yar ku biloow! Uma baahnid inaad socod dheer gashid ama iibsatid qalab qaali ah. Waxaad socod yar kusoo mari kartaa kaynta meesha aad dagan tahay, ama waxaad kusoo socon kartaa wabiga ama xeebta haddii ay kuu dhaw yihiin. Waxaad qoyskaaga gayn kartaa haro ama dabaal?
– Si tartiib ah ayaad u gaari kartaa inaad socod dhaadheer u baxdo haddii aad doonayso. Markaas wxaa fiican inaad kaba buud fudud ah xirato ama kabaha baaskiilka, iyo boorso yar ood cuntada iyo cabitaanka ku ridato. Soo qaado funaanad dhaxameed dheeraad ah, iyo jaakad haddii roob da’aayo ama dabayl socoto.
– Waa amaan inaad kusocot kaymaha Norway. Dhawrka bahal ee waawayn ee dadka cuna ayaa aad u yar umana dhawaadaan dadka. Waxaa jiro hal mas oo aad u sun badan, good ka (the viper), laakiin waa mid aad u kooban wuxuuna ku qaniinayaa haddii aad ku istaagto ama taabato kaliya. Waxaa jiro geedo sun ah haddii aad cunto, laakiin haddii aadan geedahaas cunin ama aadan dhibaatayn xayawaanada, khatar maaha inaad durka Norway wareegto.
– Xagee ayay tahay inaad aado? Haddii aad ku nooshahay mid kamid ah magaalooyinka waawayn, halkaan ayaad gujin kartaa si aad u aragto tilmaamaha dalxiiska kooban ee magaalada ee Naturvernforbundet! Waxaad sidoo kale adeegsan kartaa www.UT.no, ood sidoo kale ka helayso fikrado badan oo dhanka socodka ah.
– Waad u fasaxan tahay inaad ku socoto meeshaad doonto oo dabiicada Norway ah, si bilaash ah. Waxa la yirahdaa xaquuqda dadwaynaha (allemannsretten). Waxaan xaq u leenahay inaan dabiicada kusoo wareegno, laakiin waa inaan sidoo kale taxadarnaa, aanaana qashin ku tuurin ama dhibaatay xayawaanka duur joogta ah. Waa qayb muhiim ah oo kamid ah dhaqanka Norway. Si aad u akhrido xogta sharciga dadwaynaha oo luuqado badan ku qoran, halkaan guji.
– Ma doonaysaa inaan banaanka seexato? Waxaad habaynkii seexan kartaa meeshaad rabtooo kaymaha Norway kamid ah, laakiin waa inaad u jirtaa guriga kuugu dhaw 150 mitir.

Natuvernforbundet waxay ku faraxsan yihiin inay kaa caawiyaan aadista banaanka! Waxaan ku siin karnaa fikrado iyo tilmaamo, waxaana diyaarinaa socdaalo nidaamsan oo meelo badan lagu tago. Halkaan guji si aad u hesho kooxdaada maxaliga ah:

Xog dheeraad ah:

Aadista socdaal: Horudhac ku saabsan dhaqanka socodka ee Norway

Kala duwanaanshaha dadka banaanka u dalxiisaaya

Den Norske Turistforening (DNT) oo Ingiriis ku qoran

Socdaalo ay diyaarisay DNT