Waa maxay Naturvernforbundet? – Somali

Naturvernforbundet waxaa laga wadaa “Ururka Dhawrista Badiicada Bii’ada”.

Waa urur ka shaqeeya difaacida dabiicada Norway. Waxaan leenahay tiro ka badan 35,000 oo xubno ah, iyo in kabadan 100 kooxood oo maxali ah dhammaan wadanka.

Naturvernforbundet waxay ka shaqaysaa arimaha siyaasada iyo arimaha maxaliga ah, si loo badbaadsho labadaba dabiicada iyo cimilada. Waxaa jiro dabiicad ka yar intii horay jiri jirtay, xayawaano iyo dhir badana khatar ayay ku jiraan. Goobaha baakinka, guryaha iyo wadooyinka ayaa laga dhisaa meelaha ay kaymuhu ku ooli jireen. Waxaa intaas dheer, isbadal cimilada ayaa caqabad badan keenay. Waxaan ka shaqaynaa barista dadka dhibaatooyinka jira, waxaana iskudaynaa inaan saamayn ku yeelano siyasiyiinta iyo sharci dajiyaasha si ay u daryeelaan dabiicada.

Waxaan sidoo kale doonaynaa in dad badan ay helaan raacada banaan u bixida. Waxaan diyaarinaa socdaalo la hago oo lagusoo maraayo meelaha dabiiciga ah iyo munaasabaad kale ood ka qaybgali karto. Waxaan sidoo kale qabanaa munaasabaad oonleen ah anagoo adeegsanayna barteena Facebook ga, waxaana soo qornaa tilmaamo iyo fikrado si dad badan u arkaan dabiicada si iskood ah.

Ma doonaysaa inaad nagusoo biirto aadna uga shaqayso dhawrista dabiiciga? Halkaan guji!